Hargeysa (QJ) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada Somaliland si weyn looga xusay sanad guuradii 34-aad ee 18-ka May oo ku beegan maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi (Cirro) ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradii 34-aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland. Xafladan oo lagu qabtay barxadda badhtamaha caasimadda Hargeysa, waxa ka soo qayb galay.
Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Cirro), Guddoomiyeyaasha labada gole Baarlamaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanno, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran, Dublamaasiyiin iyo Wakiillo ka socday Waddamada Somaliland la saaxiibka ah, Weftiyo kala duwan oo Xukuumadda ka tirsan.
Madaxweyne Cirro waxa uu soo kormeeray cutubyo ka tirsan qaybaha kala duwan ee ciidamada Somaliland oo dhoola-tusyo iyo dhoolatus ciidan ku soo bandhigay xaflada. Waxa kale oo ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dawladda.
Ciidamada kala duwan ee Somaliland oo isugu jira Booliska, Sirdoonka, Dab-damiska iyo Millateriga, ayaa intii ay socotay dhoola-tuska ku soo bandhigay hub iyo qalab casri ah, kaas oo soo jiitay dadweyne tiro badan oo ku sugnaa caasimadda, isla markaana ay u daawasho tageen dadweyne caalami ah.
Dabaaldegga 34-sano ka soo wareegatay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 18-kii May 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Muqdisho. Somaliland iyada oo aan laga aqoonsanayn caalamka, haddana waxa ay haysataa dawladeeda, lacag, baasaboor iyo ciidankeeda ilaaliya.
