Muqdisho (QJ) – In ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war murtiyeed ay kaga hadlayaan xaalada cakiran ee Siyaasadeed ee dalka ka jirta, iyagoo si cad u muujiyay walaaca ay ka qabaan jiheynta Qaranka iyo go’aanada aan wadatashiga ahayn ee ka soo baxaya Golaha Wadatashiga Qaran.
Xildhibaanada ayaa sheegay in go’aamadii u dambeeyay ee ka soo baxay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka aysan ka turjumeyn rabitaanka guud ee daneeyayaasha siyaasadda, balse ay matalaan go’aamo ay koox kaliya soo saartay. Waxay codsiyo cad u gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
In loo soo noqdo dariiqa dastuuriga ah ee dalka, loona hoggaansamo dastuurka KMG ah.
In la bilaabo wada tashi qaran oo dhab ah oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka.
In si deg-deg ah looga laabto tallaabo kasta oo iska hor-imaad ah oo lagu qaadayo Jubaland, si looga hortago khilaafaad siyaasadeed iyo burbur siyaasadeed oo qoto dheer.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale uga digay dowladda inay dalka geliyaan qalqal siyaasadeed, amni iyo mid bulsho. Waxa ay sheegeen in hadii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u hogaansami waayo tallooyinkaas muhiimka ah ay kula talinayaan in si sharaf leh uu isaga casilo xilka loo magacaabay si loo badbaadiyo midnimada qaranka, dowladnimada iyo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed.
“Waxaan si cad u sheegaynaa in dhammaan go’aamadii siyaasadeed ee dhawaan ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen hal koox oo siyaasadeed, haddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka laaban waayo, waxaan si rasmi ah ugu talineynaa inuu xilka iska casilo.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya hay’adaha dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo ay sii kordhayaan talooyinka ka imaanaya gudaha Baarlamaanka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda. Qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa sii kordhaya.
