Dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lagu qabtay Markab Hub siday iyo Qalab Ciidan

Bosaaso (QJ) -Markab lagu magacaabo Sea World oo sida la sheegay hub iyo saanad ciidan, ayaa lagu xiray Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Soomaaliya. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay markabkaasi lagu soo qabtay xeebta degmada Bareeda, halkaasi oo uu muddo labo maalmood ah ku xanibnaa xaalado kala duwan.

Ammaanka hareeraha markabka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana dowladdu ay sheegtay in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono shixnadda, sida ay u raran tahay iyo halka loo waday.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa xaqiijiyay in maamulka uu markabkan ku qabtay meel ku dhow deegaanka Bareeda ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay in uu waday shixnad hub iyo gaadiid dagaal ah oo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono markabka oo dhibaato kala kulmay gacanka cadmeed, taasi oo keentay inuu kusoo dhawaado xeebaha Bari.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay lahaanshaha markabka ama faahfaahin ka bixisay halka uu ka yimid. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Markabka Sea World oo shalay gelinkii dambe lagu qabtay xeebta Bareeda ee gobolka Raas Casayr (Bari) ayaa hadda lagu soo dejiyay dekedda Boosaaso, iyadoo amar ka soo baxay maamul goboleedka Puntland.