Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa guul dublamaasiyadeed ku tilmaantay booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tegay dalka Qatar, kaas oo la filayo inuu xidhiidh cusub oo iskaashi yeelan doono. Isla markaana waxay ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS) inay si joogto ah u wiiqayso qarannimada Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka hadlay natiijadii safarka Madaxweynaha Somaliland, waxaanu caddeeyay in dalka Qatar uu si rasmi ah u taageersan yahay midnimada Soomaaliya, haddana ay Somaliland weli ka go’an tahay madax-bannaanideeda, isla markaana ay la macaamili doonto waddamada Muqdisho aqoonsan.
“Waxaan la macaamilaynaa caalamka aaminsan midnimada Soomaaliya, laakiin waa inaan cadeynaa in madax-banaanida Somaliland aysan waxba u dhimeyn shacabka Soomaaliyeed—ayna faa’iido u leedahay. Hadalka Qatar waa qaab diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in hadalada diblumaasiyadeed ay inta badan ka duwan yihiin xaqiiqda, isagoo tusaale u soo qaatay sida wadamada Jaamacadda Carabta ee taageeray duulaanka Mareykanka ee Ciraaq ay markii dambe cambaareeyeen.
Wasiirku waxa uu kalsooni ka muujiyay in socdaalkani ka dhalan doono maalgashi dhaqaale oo la taaban karo, isla markaana uu xoojin doono xidhiidhka Qatar oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka, isaga oo ku booriyay in si qoto dheer looga wada shaqeeyo ictiraaf raadinta Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay Muqdisho inay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd madax-banaanideeda, oo ay ka mid tahay isku dayga lagu doonayo in Somaliland lagu soo koobo maamul-goboleed hoos yimaada Soomaaliya.
“Soomaaliya waxa u hanjabaya booqashada Madaxweyne Cirro ee Qatar,” ayuu yidhi Ayaanle oo intaas ku daray, “Siyaasaddu waxay ka dhigan tahay inaad xataa cadawgiinna la macaamilooto haddii ay dantaada ku jirto, haddii aad cadow ku salaanto ‘Salaan calaykum’, cadhada badhkeed ayaad kala badh ka dhigtay.
Dowladda Qatar, ayaa warbixin ka soo saartay kulankii Madaxweyne Cirro ee uu la yeeshay Ra’iisal Wasaare Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani, waxay ku soo bandhigtay wada-hadallada qayb ka mid ah dadaallada lagu xallinayo xasaradaha Soomaaliya, iyadoo ku celisay taageerada midnimada Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan, in Qatar ay ku tilmaamtay Madaxweyne Cirro “Hogaamiye ka soo jeeda mid ka mid ah gobollada Soomaaliya,” iyadoo ka dhawaajisay mawqifkii hore ee Kenya ka dib booqashadii Cirro ee halkaas.
Somaliland ayaa hadalkan ku tilmaantay “hadallo siyaasadeed” oo aan ka turjumayn wada-hadalladii nuxurka lahaa ee lagu qabtay dalka Qatar. Waxay ku adkaysatay in xidhiidhka rasmiga ah ee ay Qatar la leedahay uu ka duwan yahay waxa ay ugu yeertay “hadal diblomaasiyadeed oo madmadow ku jiro.”
Somaliland waxay ku adkaysanaysaa gooni-isu-taagga inay faa’iido u leedahay Soomaalida oo dhan, iyadoo diiday in lagu sunto “gobol”.
Khilaafkan dublamaasiyadeed waxa uu iftiiminayaa halganka socda ee u dhexeeya ictiraaf raadinta Somaliland iyo dadaalka Soomaaliya ugu jirto ilaalinta sheegashada dhuleed.
