Taipei (qurbejoog) -Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, ayaa bogaadiyay heshiiska cusub ee ay magaalada Taipei ku kala saxeexdeen dawladdaha Somaliland iyo Taiwan, isagoo sheegay in heshiiskani uu kor u qaadayo xidhiidhka badda ee labada dal.
Madaxweynaha Taiwan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayay warbaahinta qaranka dalkaasi oo uu ku qaabilay weftiga wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu sheegay in heshiiska iskaashiga ee amniga xeebaha ee ay kala saxiixdeen labada dal uu yahay bog cusub oo u furmay xiriirkooda.
Madaxweyne Lai Ching-te waxa uu sheegay in dawladaha kali-taliska ahi ay sii wadaan adeegsiga xeeladaha wax-ku-oolnimada iyo ololaha cadaadiska ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ka-qaybgalka caalamiga ah ee Taiwan iyo Somaliland.
Waxa uu ku nuux-nuux saday in xoojinta wada shaqaynta Somaliland iyo Taiwan ay muujinayso adkaysiga isbahaysiga dimuqraadiga ah.
