Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Hogaamiyaha Jubbaland inuu daandaansi ka wado Gobolka Gedo

Muqdisho (qurbejoog) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka ayaa si kulul loogu cambaareeyay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe lagu eedeeyay inuu mar kale colaad ka hurinayo gobolka Gedo, iyadoo dowladdu ay sheegtay inuu amar ku siiyay maleeshiyaad weerar ku qaaday maanta oo Jimco ah saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo goobaha ay shacabku ku badan yihiin ee magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

“Weerarkan oo ahaa mid ay ku nafwaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, waa mid uu eedeysanuhu ugu tala galay in uu ku balaadhiyo dambiyada uu galay, isla markaana uu sii kala qaybiyo guud ahaan shacabka reer Jubaland, gaar ahaan dadka degan gobolka Gedo oo uu muddo dheer ku kacay falal dulmi ah” ayaa lagu yiri fariinta dowladda.

“Wasaaradda Amniga Gudaha oo kaashanaysa Hay’adaha Garsoorka dalka, waxay dabagal ku samaynaysaa dhammaan shaqsiyaadka ku lugta leh fal-dembiyeedyadan ku hawl-gala magaca shacabka Jubaland, iyadoo dhowr qof oo hore loo aqoonsaday inay ka qayb-qaadanayaan daadinta dhiigga muwaadiniinta iyo ku xad-gudbidda xuquuqdooda,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka dowladda.