Madaxweyne Deni oo Turkiga ku wareejinaya Markabkii hubka siday

Bosaaso (QJ) – Madaxweynaha Dawladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Booqashadan ayaa daba socotay wadahadal dheer oo u dhaxeeyay Puntland iyo Turkiga oo ku saabsan markabka MV Sea World iyo shixnadiisa oo lagu muransan yahay.

Turkiga ayaa si wada jir ah ula xaqiijiyay Puntland sheegashada sharciga ah ee ku saabsan waxa saaran markabka.

Kadib markii ay dib u eegis ku sameeyeen cadeymaha ay Puntland soo gudbisay iyo baaritaanada lagu sameeyay markabka iyo shixnadaha saaran ayaa mas’uuliyiinta waxa ay isku raaceen in mas’uuliyadda markabka MV Sea World iyo waxa saaran loo wareejiyo dalka Turkiga.

Ciidamada Puntland ayaa goor sii horeysay gacanta ku dhigay markabkan laga leeyahay dalka Turkiga oo marayey xeebta Bareeda ee gobolka Bari, kadib markii ay ogaadeen in uu sido hub iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday dowladda Federaalka Soomaaliya.