Muqdisho (QJ) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa si adag u beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta oo sheegayay in ciidamadooda ay khasaare lixaad leh ka soo gaareen dagaal ka dhacay deegaanka Bariire, ee Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
War rasmi ah oo ay maanta soo saartay AUSSOM ayay kaga jawaabtay eedeymo uga yimid kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan in la burburiyay gaadiid gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay sheegeen in ciidamadooda ay dib uga gurteen deegaanka Bariire kadib dagaal xooggan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in ciidamada wadajirka ah ee AUSSOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ay 1-dii bishan August howlgal ballaaran ka sameeyeen deegaanka Bariire.

