Muqdisho – Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka C/kariin Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in la soo gaba gabeeyay diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka “Hal Qof iyo Hal Cod” ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool magaalada Muqdisho la diiwaan geliyay islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay wax doortaan.
“Duqa Muqdisho iyo Golaha Deegaanka waxaa la dooran doonaa 30-ka October, waxaana codeynta lagu qaban doonaa qaab codeyn ah” ayuu yiri Guddoomiyaha GMDQ C/kariin Axmed Xasan.
“Shacabka Muqdisho waxay dooran doonaan Golaha deegaanka iyo Duqa Muqdisho, waxaan aad ugu faraxsanahay in dad ku dhow hal milyan oo qof ay nala soo diiwaan geliyeen, kuwaasoo liiskooda aan ku dhawaaqi doono 27-ka bishan.” Ayuu yiri C/kariin Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Banaadir ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo ku dhawaad 1 milyan oo reer Muqdisho ah ay isdiiwaangeliyeen.
Doorashada golaha deegaanka iyo degmooyinka ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 30-ka Oktoobar, iyadoo lagu codayn doono hab codbixin ah.
Liiska ugu dambeeya ee cod-bixiyayaasha oo la daabici doono 27-ka bishan
Tani waxay astaan u tahay tallaabo muhim ah oo loo qaaday geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya, iyadoo dalku isu diyaarinayo doorashooyinkii ugu horreeyay ee toos ah muddo tobanaan sano ah, iyadoo loo marayo nidaamka “Hal Qof iyo Hal Cod”. Tirada badan ee codbixiyaasha ee isdiiwaangaliyay waxay muujinaysaa ka qaybqaadashada dadweynaha ee hannaanka doorashada.
