Uncategorized

Shirkii wada tashiga Soomaalida oo dib u dhac uu ku yimi

Garoowe Dec 15,2011(qurbejoog)Afhayeenka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta saxaafada u sheegay in shirkii wada tashiga Soomaalida ee qeybtiisa labaad lagu waday in uu maanta Garoowe ka furmo uu dib u dhacay.

Axmed Cumar Xirsi ayaa maanta saxafada ugu waramay Garoowe oo dheegay in dib u dhac uun uu ku yimi shirka ee aanu baaqan.

Shirka oo caalemi ah awgii ayaanu maalmo dheeraad ah u baahanay ayuu yidhi Axmed.

Puntland ayaa mudo dheer dedaal ugu jirtay martigelinta shirka wada tashiga Soomaalida in lagu qabto Garoowe.

Waana hadal heynta u badan ee Soomaaliya mdib u dhaca ku yimi shirkan.

Dib u dhaca ayaa lagu sababeynayaa khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Qurbejoog-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com