Uncategorized

Gabadh uu dhalay Qadaafi oo Maxkamada Caalemiga ka codsatay in la baadho dilkii abeheed

Hague Dec 15,2011(qurbejoog.com)-Gabadh uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Libiya Moamar Al Qadaafi ayaa dhwaan u guddbisay qoraal ay ku dalbaneyso in ay ogaato in maxkamadu baareyso dilkii aabeheed.

Sidaana waxaa saxaafada maanta u sheegay qareen ay qabsatay gabdha qaadafi dhalay.

Qadaafi ayaa ciidamo taabacsan dawlada haatan ka arimsa Libiya ay dileen ka dib mudo kooban oo uu gacantooda ku jiray.

Waxa aan dhacdadii aabeheen lagu dilay iyo sidii Islamnimada ka baxsaneyd ee meydkiisa loola dhaqmay ka qaadan tiiraanyo ilaa iminka na heysa ayaa lagu yidhi qoraalkan loo gudbiyay madaxa maxkamada caalemiga  Luis Moreno-Ocampo.

Gabadhan Qadaafi dhalay oo la yidhaahdo Caasha Qadaafi ayaa sidoo kale dalbatay in dawlada Liibiya ay dhankeeda baaritaan ku wejahan dilkii aabeheed ay ka biloowdo.

Caasha aya iyada xubno kale oo ka tirsan qoyskii Qadaafi waxa ay haatan ku nool yihiin dalka Algeria oo ay u baxsadeen.

 

Qurbejoog-Hague

contact@somalidiasporanews.com