Uncategorized

Kooxda Al Shabaab oo bilowdey in leexsato raashinka gargaarka

Baydhabo Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay qaaday olole ay ku weecsaneyso raashinka gargaar ee ururka laanqeyrta cas ee Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo ee gacanta ugu jirta kooxda Al Shabaab ayaa la arkay meliishaadka kooxdan oo weecsanaya  tiraba laba kolonyo oo sida raashin loogu talo galay dadka abaaruhu ku dhufteen ee iminka uun ka soo kabanaya Macluusha.
Kooxda Al Shabaab ayaa dhankeeda ku andacootay in ay baarayaan raashinka si ay u hubiyaan tayada raashinkan intaan la gaadhsiin shacabka.
Balse ICRC iyo qandaraasleyaal la shaqeeya ayaa sheegay in Shabaabku baadigoobayaan si ay u mamnuucaan hawlaha ay Laanqeyrta Casi ka wado Soomaaliya,isla markaana ay dooneyso in taya cunada ka dhigato sabab ay ku joojiso hawsha ay wadaan.
Lanqeyrta Cas ayaa dhawaan shaacisay in ay dardar gelineyso hawsha gargaar ay ka wado degaanada ay shabaabku gacanta ku hayaan si ay u buuxiso kaalintii heyadaha la mamnuucay.

Qurbejoog-Baydhabo
contact@somalidiasporanews.com