Hargeysa Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Mudane ka tirsan gollaha Wakiilada Somaliland Md Maxamed Faarax Qabille ayaa qoraal jawaab celin u ahaa wareysi uu dhawaan Somaliland ku weeraray madaxweynaha Jabuuti saxaafada Hargeysa ugu qeybiyay.
Mudahan ka tirsan Gollaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doorto gobolka Saaxil ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyay madaxweynaha Somaliland.
Qoraalka Md Maxamed Faarax Qabile ayaa qoraalkiisa oo dheera waxa ka mid ahaa;-
“Waxa layaab leh ereyadii dhaqanka diblomaasiyada ka aradnaa ee dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geele kaas oo qaranka uu maanta hoggaaminayo yahay ka keliya ee uu abaal ku lahaa qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, taariikh dheer oo ku sinayd tan iyo intii gacanta gumaystaha ay ku jireen shacbiga reer Djibouti, tusaale haddii aan soo qaato raggii la geeriyooday hoggaamiyihii halganka xornimo-doonka DJibouti Maxamuud Xarbi, waxa la nafwaayay rag ka soo jeeday Somaliland, waxaanna ka mid ahaa raggaasi Dooble Mitir, Ina Cadhoole, Naale Tuur iyo in badan oo aanan halkan ku soo koobi karayn.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sannadkii 1976kii wasiir ka ahaa dawladii Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre wuxuu maanta arkiifiyadiisa ku hayaa warqadii uu Qaramada Midoobay horgeeyay ee uu kaga dalbanayay in Jamhuuriyada Djibouti aqoonsi buuxa ka hesho, isla markaa waxa kale oo jirtay sannadihii 1966-1967 dawladii xilligaa ee Soomaaliya waxay gobolada Waqooyi ka qortay cududii ciidan ee ugu laxaadka waynayd, kuwaas oo loo jiheeyay inay gacan siiyaan gobonimo-doonkii Djibouti, iyadoo ardaydii dugsiyada dhexe iyo sare ku jirtay ay si naftood hurid ah u galeen ciidamadaas oo hiil iyo hooba lala garab joogay tan iyo intii ay xornimada ka qaadatay Jamhuuriyada Djibouti sannadkiii 27-kii bishii June, 1977 bishii27.
Dibindaabyadii u horreysay ee Jabouti ka gashay Somaliland wuxuu ahaa heshiiskii dhexmaray Etheiopia & Maxamed Siyaad Barre, iyadoo ka shaqaysay sidii loo baabi’in lahaa Ururkii SNM, boqolaal muwaadin oo reer Somaliland ah oo ah taageerayaashii Ururka SNM ayaa maamulkii Djibouti ee Xasan Guuleed oo uu Ismaaciil Cumar Geelle gacanyare ka ahaa nabadsugida Djiboouti si arxandaro ah ugu gacangeliyay taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, intii uu Ismaciil Cumar Geelle xukunka Djibouti qabtayna dagaal diblomaasiyadeed iyo mid badheedh ahba wuxuu geed dheer & mid gaabanba isugu taagay sidii aanay taageero caalamiya u hesheen Jamhuuriyada Somaliland ee ka ifaysa Geeska Afrika, wuxuu yidhi ninkii gabyay ‘waxba yaanu xoolona i siin xaalkayna i marine Xaasha’e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab.’
Waxaan Ismaaciil Cumar leeyahay ‘hagoog xume yeelkadiisa. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo-na waxaan leeyahay gabaybaa wuxuu yidhaahdaa ‘Dhashaaday dishaa xaajadaad dhawrataa abide, nin dhirbaaxo quudheed dugsaday Dhaqayadeed maal.” Ninka taariikhda Qarankan dafiray & jiritaankiisa si badheedhana ugu bandhigay bahweynta caalamka arrin qarankani qarsan karo maaha jawaab cad oo nuxurka iyo masiirka ummadda Jamhuuriyadda Somaliland xambaarsan ayaa lagaa rabaa, isla markaana waa in dib loo qiimeeyo xidhiidhka iyo cilaaqaadka dalka Djibouti qaraar ku haboona laga gaadho.
Ugu danbayn Ismaaciil Cumar waxaan u sheegayaa in aan qarankani wax uu Djibouti uga baahanyahay jirin, dabnahaaga hadal kayimina ma hakin karo hore u socodka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masiirka shacbi ee ay xaqa u leedahay, waxaan si gaar ah u xusayaa shacbiga reer Djibouti ee aanu dhiigga iyo dhaqankaba wadaagno ee halgankayagii nagala qaybqaatay sidaanu koodii ugala qaybqaadanay Ilaahayna waxaan uga baryayaa inay mustaqbalka helaan hogaan u horseeda horumar barwaaqo iyo daris wanaag,”
Qurbejoog-Hargeysa
