Uncategorized

Shariif Xasan oo maanta Muqdisho gaadhay

Muqdisho Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Waxa maanta Muqdisho ka degay Guddomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ee dhawaanta xilka laga qaaday.

Guddomiyaha Baarlamaanka oo kiyoo safar ku jooga magaalada Rome ee dalka Talyaniga xilka laga qaaday ayaa maanta sheegay in uu weli yahay guddomiyaha barlamaanka  sharciga ah.

Guddomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay dardar gelin doonaan gudagalka doodaha baarlamaanka ee ku wejahan waxa lagu magaacaabay Raodmapka oo ah hanaan dib u heshiiseeneed oo loogu guddbayo marxalada kala guurka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maalmihii u danbeeyay ku dagaalamayay xarunta baarlamaanka sababo la xidhiidha xil ka qaadista.

Ma cada waxa ay xaalada ku soo kordhin doonto tegida Muqdisho ee guddomiyaha xilka laga qaaday.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com