Uncategorized

Qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Garisa ee dalka Kenya

Garisa Dec 16,2011(qurbejoog.com)-Waxa soo baxaya xog ku wejhan laba qarax oo mar qudha wada dhacay laga maqlay guddaha magaalada Garisa oo dhacda woqooyi bari ee dalka Kenya.

Qaraxa hore ayaa la sheegay in uu ka dhacay xafiis ay leeyihiin shaqaalaha xabsi ku yaal magaalada Garisa.

Qarax kale ayaa isna xiligaa ka dhacay Hotel ku yaal isna badhtamaha magaalada Gaarisa.

Qaraxyadan ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay ilaa afar ruux.

Madaxa ciidamada booliska ee gobolka Woqooyi Bari James Seriani ayaa xaqiijayay weerarada Gaarisa lagu qaaday.

 

Qurbejoog-Gaarisa

contact@somalidiasporanews.com