Nairobi Dec 17,2011(qurbejoog.com)-Haweeneyda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda Haweenka Rashida Manjoo ayaa ka war bixsay safar ay ugu kuurgalshay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed.
Haweeneydan oo Soomaaliya tagtay dhawaan ayaa waxa ay ka warbixsay sida Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha barakacayaashu kufsigu caqabad nololshooda ugu yahay.
Waxa ay sheegtay in Haweenku meel ay joogaanba ay kufsiga noloshoodu qeyb ka tahay dalkan colaaduhu regaadiyeen.
Ergeygan xuquuqda adaanaha ee QM waxa ay sheegtay in dumarka Soomaaliya ay bedbaado u baahan yihiin.
Safarkan xaqiiqo raadinta ah ee ay haweeneydani ku tagtay Soomaaliya ayaa waxa ay ka diyaarindoontaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ay ka diyaarin doonto xaalada Haweenka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin.
Qurbejoog-Nairobi
