Uncategorized

Maxkamada Wikileaks oo Mareykanka ka bilaabatay

Maryland Dec 17,2011(qurbejoog.com)-Maxkamad ciidan oo ku taal dalka Mareykanka ayaa iminka bilowdey dhegeysiga dacwad lagu soo oogay askari Mareykanka oo ku saabsan bixintii xogtii ay shaacisay Wikileaks.

Bradley Manning ayaa qareenada difaacaya waxa ay dalbadeen in la bedelo xaakimka dhegeysanaya dacwada.

Xaakim Lt Col Paul Almanza ayaa diiday 36 ruux oo uu qareenada Bradley Manning ay markhaati u soo kaxeysteen.

Xaakim Lt Col Paul Almanza oo hore u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ku adkeystay in uu dhegeysan doono dacwada.

Bradley Manning ayaa lagu soo oogay 23 eed oo la xidhiidha xog dawlada Mareykanka leedahay oo uu ku muteysan karo dil ama xabsi daaim.

Qareenada asakrigan ayaa ku doodaya in xogta ay Wikileaks baahisay aanay wax dhibaato ah sababin ee ay gacan ka geysatay in dadku ogaadaan sida wax u jiraan uun.

Qurbejoog-Maryland

contact@somalidiasporanews.com