Uncategorized

OGAYSIIS: Talaabo Samafal ah ( ref. Dilkii Seemaal)

Ururka Tol Leadership Council (TLC) wuxuu dadweynaha reer Ottawa ee nabada jecel ugu baaqayaa iney ka soo qayb galaan munaasabad taageero dhaqaale loogu ururinaayo qoysaskii ka hadhay saddexdii muwaadin ee shantii December 2011, gacan ka xaq daran ku dishey Tuulada Seemaal ee Degmada Baki, gobolka Awdal.

Waxaa lagu qabanayaa Kulankaas ciwaanka iyo taariikhda hoos ku xusan :

Maalinta : Sabtida 24 december 2011

Goobta : Islaamic School « Ilma-Batuuta »

Saacada: 3:00PM-6:00PM
Walaalahayaga reer Ottawa waxaan ka codsonaynaa iney gacan ka gaystaan dadaalkan aadaninimo, gacantana ku soo laabaan taageeradooda.

Waad Mahadsantihiin

Unugga TLC ee Ottawa.

Info: 613-600-7332/819-319-0447/613-823-4245