Uncategorized

AL Shabaab oo si kulul u cambaareeya Maamulka Ximan iyo Xeeb

Muqdisho 18, December 2011 (Qurbejoog.com)- Ururka Al Shabaab ayaa qayaano ku tilmaamay shir dhawaan kusoo gaba gaboobay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
 
Kadib markii Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud uu kusoo gaba gaboobay shir  loo qabtay Maamul goboleedyo  islamarkaana ay soo abaabuleen Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa arintaasi waxaa ka hadlay oo si kulul u cambaareeyay shirkaasi Afhayeenka Ururka Al Shabaab.
 
Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ahaa maamul ka shaqeeya danta Umadda Soomaaliyeed hase haatee waxaa uu tilmaamay in maalmihii u dambeeyay uu shirar u qabanayay dadka dagar ku ah shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka udhigay.
 
Cali dheere ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid qayaano ah islamarkaana ay ka qeyb galeen dad aan ogoleyn danta shacabka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu shir u qabto dad qurbo joog ah oo qaa i’imiin ah kuwaasi oo uu sheegay in dalka ay doonayan inay kala qeybiyaan iyagoo sheeganaya inay Maamulaan, goblada Hiiraan land,Ceelbuur land, Dooxa land, Shabeellaha dhexe land iyo magacyo kale oo sheeganaya inay Maamulayaan goobaha ay ku sugan yihiin Al Shabaab.
 
Afhayeenka ayaa waxaa uu uga digay Maamulkaasi in mar kale shirar nuucaasi ah ay qabataan, isagoo tilmamaay in shirkaasi uu yahay mid sii kala qeybinayay Umadda Soomaaliyeed.
 
Shaqsiyaadkii ka qeyb galay shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Cadaado oo ay soo qab qabisay Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay sheegteen inay Maamulaan goobo ay gacanta ku hayaan  Al Shabaab.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com