Tokiyo Dec 26,2011(qurbejoog.com)- Dowladda Japan ayaa ku boorinaysa China in ay door muhiim ah ka qaadato qorshe dalka Kuuriyada Waqooyi looga bad baadinayo in uu lugaha lago Rabshado dhaca ka dib Geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Kim Jong-il.
Raisul Wasaraha dalka Japan Yoshihiko Noda ayaa u sheegay Madaxweynaha China Hu Jintao in loo baahanyahay in labada dhinac ay isweeddarsadaan warbixinnada ku saabsan Kuuriyada Waqooyi halkaasi oo la filayo in uu hogaanka u qabto wiilka yar ee uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday Kim Jong-un, iyadpp la isla dhaxmarayo cida sida rasmiga ah u xakumi doonta Barnaamijka qasoodiga ah ee Nugleerka dalkaasi.
“Waa muhiim in aanan ogolaan dhimasha Kim kadib in dalka ay sameeyn aan wanaagsnayn ay ku yeelato Nabad galyada iyo Xasiloonida Gobolka Kuriya” sidaasi waxaa sheegay Ra’iisul wasaraha dalka Japan Yoshihiko Noda.
Mr Noda waxa uu sidoo kale leeyahay waxaa loo baahanyahay talaabooyin wax ku ool ah oo lagu qaboojinayo xiisado colaadeed oo gobolka ka soo cusboonaata.
Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong il ayaa hayay xilal badan oo muhiim u haa dowladda kuwaa oo ay ka mid tahay Jagada Muhimka ah ee Hogaanka Ciidanka Milatariga dalkaasi.
Dalka Kuuriya Waqooyi ayaa ah wadanka Afraaad ee duninda ugu Milatari badan waxana dalka oo Sabool ah uu diiradda saaraa Koboca iyo Kordhinta Ciidamda dalka.
Inkabadana Nusmalyuun dalka Reer K/Waqooyi ayaa u baahan in ay helaan Kaalmo caalami ah inksatoo ay dowladdu diidan tahay in dalkeeda ay soo galaan Hay’ado gargaar kuwaas oo ay ka baqdin qabto in ay wadamada reer galbeedka ugudbiyaan xogaha dhabta ah ee dalkaasi ka jira.
Ra’iisul wasaraha dalka Japan Yoshihiko Noda ayaa noqonaya hogaamiyii ugu horeeyay ee gobolka ah ee Booqda dalka China.
Qurbejoog-Tokyo
