Uncategorized

Rabshadahii dalka Syria oo sii xoogaysanaya,xili kormeerayaashii Jaamacada Carabtu halkaa gaadheen

Homs Dec 26,2011(qurbejoog.com)- Rabshadaha ka soconaya dalka Syria ayaa  sii kordhaya xilli dalkaasi lagu wado inay gaaraan Kormeerayaal ka socda Jamacadda Carabta.
 
Dhaq dhaqaaqayaasha ku sugan dalka Syria ayaa sheegaya in ugu yaraan 19-qof ay ku geeriyooeen rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi, iyagooa xusay in 18-ka mid aha dadka geeriyooday ay ku dhinteen Magaalada hareereeysan ee Homs.
 
Kooxdii ugu horaysay ee Kormeerayaasha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in ay maanta tagto dalka Syria si ay u bilaabaan howshooda kormeerka ah oo looga golleeyahay dadaalada lagu soo afjarayo rabshadaha.
 
Wafdigan oo la filayo saacaada soo socda in uu gaaro dalka Syria ayaa waxa ay ka kooban yihiin 30- Kormeere, waxaana hogaaminaya Generalka u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Mustafa Dabi.
 
Ila lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Wakaaladda wararka Reuters in Koomeerayaasha Jaamacadda Carabta ay howlkooda ugu horeeya ka fulindoonaan Magaalada Homs halkaasi oo ay Mucaaradku sheegeen in dowladdu ay ka geysatay xasuuq baahsan.
                                                                                       
Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in ay ku dhinteen rabshadaha dalka Syria ku dhawaad shan kun oo qof tan iyo bishii March markaas oo ay bilaawdeen kacdoona looga soo horjeedo Madaxweynaha Syria Bishar Al Assad.

 

Qurbejoog-Homs

contact@somalidiasporanews.com