BALADWEYNE Jan 05, 2011(qurbejoog.com)- Qarax miino ayaa Magaalada Baladweyne waxaa lagula eegtay Ciidamada Ethiopia, iyadoo dhinaca kale magaaladasi lagu soo rogay Bandow dhaqan galay.
Sida Website-ka Somalidiasporanews.com u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ayaa xalay qarax miino waxaa lagula eegtay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uusan qasaaro kasoo gaarin Ciidamada Ethiopia, hase ahaatee waxaa ay tilmaameen in islamarkiiba halkaasi ay isku gadaameen Ciidamo badan oo Ethiopian-ah kuwaasi oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.
Ciidamada ayaa la tilmaamay inay gacanta ku dhigeen ilaa 5-ruux oo la sheegay in looga shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin qarax miino ee lala eegtay Ciidamada Ethiopian-ka ah inkastoo wali la sheegay in dadkaasi lagu wado baaritaano.
Magaalada Baladweyne ayaa intaasi kadib waxaa ka dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG Soomaailya.
Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa in iminka ay tahay mid degan islamarkaana dadka shacabka ah ee ku sugan halkaasi ay soo food saartay cabsi ku aadan howlgallada ay sameynayaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.
Qurbejoog-Baladweyne
