Addis’ Ababa Jan 05, 2011(qurbejoog.com)- Kulan ay ku yeesheen magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia wasiirada gaashaandhiga ee Ururka Midowga Afrika ayaa waxa ay isku raaceen in la kordhiyo tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Wasiirada ayaa falan qeyn kadib waxa ay isku raaceen in tirada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho loo baahanyahay in si deg deg ah loo kordhiyo islamarkaana laga dhigo ilaa 12-kun oo askari oo markii horeba ay balantu aheyd, waxaana la tilmaamay in taasi ay wax wayn ka badali karto ammaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa waxaa uu sheegay in go’aanka kordhinta Ciidamadaani uu yimid kadib markii Wasiirada Ururku ay isku raaceen in la xoojiyo awoodda ay lee yihiin Ciidamada AMISOM ee iminka ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Wasiirada gaashaandhiga ee Ururka Midwoga Afrika ayaa carabka ku dhuftay in AMISOM looga baahanyahay inay ka talowdo Magaalada Muqdisho oo ay u gudubto gobolada kale ee dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Diblomaasiyiin ka qeyb gashay shirkaasi ay isku raaceen in la xoojiyo Ciidamada AMISOM.
Ramtane Lamamra waxaa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ay ka mid noqonayan howlgalka AMISOM, isagoo dhinaca kale farta ku fiiqay in Ciidamada Miltariga dowladda Ethiopia ay si Kumeelgaar ah u caawinayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya.
Qurbejoog-Adis Ababa
