Kaalyaleey Jan 05, 2012(qurbejoog.com)- Diyaarado dagaal oo aa la’ogayn halka laga leeyahay ayaa duqeymo la dhacay deegaan ka mid ah gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.
Warar ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Kaalyaleey ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in galinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaankaasi gaar ahaan Saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.
Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ahaayeen labo diyaaradood oo nuuca Miiga ah, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in ilaa dhowr gantaal ay ku garaaceen deegaanka Kaalyaleey ee gobolka Gedo sida Website-ka Somalidiasporanews.com ay u xaqiiijiyaan dadka deegaanka ah.
Ilaa dhowr gantaal ayaa la tibaaxay in lagu garaacay Saldhig Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi inkastoo ilaa iyo iminka aan la’ogayn qasaaraha dhabta ah oo ay gaystaan duqeymahaasi.
Duqeynta ayaa lasoo warinayaa in saameyn ay ku yeelatay dadka ku sugan halkaasi oo ka baqdin qaba in waxyeelo ay kasoo gaarto, waxaana xusid mudan in ilaa iyo iminka aan si cad loo ogayn halka laga leeyahay diyaaradaha duqeymaha la dhacay halkaasi.
Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koofuta Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeymo xoogan oo ay gaysanayeen diyaarado qaarkood laga lahaa dalka Kenya, waxaana iminka la sheegay in xaaladda deegaankaasi ay tahay mid degan.
Qurbejoog-Kaalyaleey
