Muqdisho Jan 05,2012(qurbejoog.com)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasbad lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka gobolka Banaadir ee sanadka 2011-ka
Isagoo ka hadlayay Munaasbad lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka gobolka Banaadir ee sanadkii tagay ee 2011-ka ayaa Madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu sameeyay dadaal farabadan islamarkaana gudoomiyeyaasha degmooyinka looga baahanyahay inay la shaqeeyaan Maamulka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ku amaanay Maamulka gobolka Banaadir wax qabadka uu muujiyay, wuxuuna shacabka ku dhaqan dalka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan soo celinta ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya si looga baxo dhibaatada ka jirta dalka.
Ugu dambeyn ayaa Sheekh Shariif waxa uu sheegay in 10-kun oo dollar la siin doono degmadii ku guulaysataa is dhex galka bulshada, isagoo carabka ku dhuftay in guud ahaan degmooyinka looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan ammaanka dalka Soomaaliya.
Qurbejoog-Muqdisho
