Uncategorized

Raiisul Wasaaraha Canada oo Dhaleeceeyay Masjid la weeraray

Ottawa Jan 06,2012(qurbejoog.com)Raiisul wasaaraha dalkan Canada Stephen Harper ayaa maanta war uu soo saaray waxa uu ku dhaleeceeyay weerar mar labaad lagu qaaday Masjid ku yaal magaalada Gatineau Quebec.

Raiisul wasaaraha ayaa dhanbaalkiisa ayaa lagu sheegay in falkaasi yahay mid aan ka turjumeyn dareenka reer Canada ee ku wejahan wada noolaashaha.

“Xukuumadeenu waxa ay si adag u canbereyneysaa falkan lagu argegixinayo bulshada halkaa ku cibaadeysata” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska reysul wasaaraha.

Xoghayaha guud ee masjidka Amadou Thiam ayaa ciidamada Booliska ka dalbaday in ay baaritaan natiijo dhala la yimaadaan si gacanta loogu soo dhigo cidii falalkan soo noqnoqday ka danbeysay.

Gidaarada iyo kadinka Masjidka ayaa lagu qoray eryo ka dhan ah Carabta iyo diinta Islamka,waana weerarkii labaad ee sadex casho guddahood lagu qaado Masjidka.

Maanta oo Jimca ahna waxa lafilayaa in Imamaka Masjidku Khudbada ku soo qaato dhacdooyinkan soo noqnoqday,iyada oo la filayo in ilaa 600 oo ruux ay halkaa u cibaado tagto.

Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com