Dimishiq Jan 06,2012(qurbejoog.com)-Caasimada dalka Syria ee kacdoonadu hareeyeen ayaa maanta waxa ka dhacay qarax ay dad badani ku hoobteen,sida ay shaacisay warbaahinta xukuumada Bashar Al Azad.
Warbaahinta dalkaas ayaa baahineysa sawiro naxdin leh oo ay sheegeen in ay tahay raqda qarax maanta halkaa uu ka fuliyay ruux ismiidaamiyay.
Waa qaraxii labaad ee caasimada lala beegsado intii ay dalkaas gaadheen kormeereyaal carab ah oo dhedhexxadinaya mucaaridka iyo muxaafidka dalkaasi.
Warbaahinta dalka Syria ayaa shaaciyay in ruuxan is qarxiyay uu gilaaftay noloshada ilaa 30 qof oo u badnaa ciidamo Boolis ah oo la socday Bus halkaa marayay.
Mucaaridka dalka Syria ayaa xukumada ku eedeeyay in ka danbeyso qaraxan,ujeedaduna ay tahay sidii caalamka loogu muujinlahaa in ay dagaal kula jiraan kooxo xagjiriin ah.
Xukuumada Syria ayaan ilaa iminka cidna ku eedeyn in ay ka danbeeyaan qaraxan u danbeeyay.
Qurbejoog-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.co
