Uncategorized

Ciidamada Badda ee Mareykanka oo Kaluumeysato Iran u dhalatay Burcad-badeed ka badbaadiyay

Nairobi Jan 07,2012(qurbejoog.com)-Ciidamada Badda ee dalka Mareykanka aaa hawlgal ay qaadeen waxa ay ku soo furteen kaluumeysato u dhalatay dalka Iran oo Burcad-badeed Soomaali ahi dhawr todobaad afduub ku heysatay.

Kaluumeysatada oo tiradooda lagu sheegay 13 ayaa xaaladooda caafimaad aaney wanaagsaneyn ka dib kolkii burcadu ula macaamishay si qalafsan.

Ciidamada Mareykanka ayaa qabtay Burcad tiradooda lagu sheegay ilaa 15 oo la maxkamadeyn doono dhawaan.

“Waxaanu ka weecanay hawshii aanu heynay si aanu ugu gurmano kaluumeysatadan mudada la heystay” sidaa waxa yidhi madaxa denbibaarista ciidamda badda ee Mareykanka Josh Schminky.

Captanka Markabka Kaluumeysiga ee la afduubtay ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad celiyay ciidamada Mareykanka ee ka furtay burcada Soomaalida ah.

Somalida ayaa markabka Iran u isticmaaleysay in ay ku ugadhsato maraakiib kale iyaga oo shaqaalahana ku khasbayay ka qeybqaadashada falalka burcadnimo.

Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com