Uncategorized

Madaxweyne Obama:Waan ku faraxsanahay in aanu kulano walakeygii reer Bariga Afrikoow

Washington Jan 07, 2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obaama ayaa aqalka cad ku qaabilay dhalin uu masuuliyiin uu ka mid yahay wiil Soomaaliyeed oo reer Minneapolis ah oo qeyb ka ah dhalin ka faaiideysatay mashruuc lagu gacan qabo ardeyda ay suurto galka tahay in ay waxbarashada ka sagsaagaan.

Wiilkan oo soo maray xeryaha qaxootiga ee Itoobiya iyo Kenya ayaa fursad u helay in uu ka faaiideysto Barnaamij la yidhaahdo STEP-UP o minneapolis ka jira isla markaana uu guulo waxbarasho iyo qaar shaqoba ka soo hooyay.

Barnaamijkan oo wax qabadkiisa lagu abaal marinayay heyadaha aan dawliga aheyn kuwa dawliga iyo shirkadaha ganacsi ee gacanta ka geysta fulintiisa ayaa lagu qabtay Washington shalay.

Qorshuna waxa weeye sidii dalka Mareykanka loogu fidin lahaa,waana sababtaa ta Haashim Yoonis iyo Duqa magaalada Minneapolis geysay aqalka cad.

“waa STEP-UP sababta aan maanta u joogo aqalka cad,hadii aaney fursadani jiri leheyna maanta ma aan heleen shaqadan xirfadeyda ah”ayuu yidhi Haashim Yonis

Haashim waxa kale oo uu sheegay in hadii fursadan aanu helin in aanu galeen kuliyada St.Olaf oo uu ka qalin jebiyay oo uu iminkana ka sheqeeyeen Dugsiga sare ee Roosevelt oo uu dhalinta ka caaawiyo ardeyda soogelootiga ah dhanka shaqaaleynta.
Duqa Minneapolis R.T. Rybak ayaa isna intii uu ku sugnaa Washington ku mashquulsanaa sidii uu ugu sharixi lahaa shaqaalaha aqalka cad habka mashruucani u shaqeeyo.

Rybak ayaa sheegay in mashruucani gacan ka geysan karo in dhalintu ku biirto goobaha shaqada ee ay sida muhiimka ah ugu baahan yihiin.

Madaxweyne Obama ayaa damacsan isu keenka mashaariicda noocan ah ee gooni goonida dalka uga jira si loo gaaro dhalin aad u faro badan oo shaqo doon ah.
Qurbejoog-Washington
contact@somalidiasporanews.com