Uncategorized

Ciidamo hore uga tirsanaa Jabhadii SSC oo iminka ku biiraya ciidamada Somaliland

Buuhoodle Jan 07,2012(qurbejoog.com)-Meliishaad hore uga tirsanaa jabhada SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland ayaa iminka lau biirinayaa ciidamada Somaliland ka dib dhaqan galka heshiis ay hore u wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay Meygaagle.

Meelishadan SSC ee qaadatay heshiiskii meygaagle ayaa xarumo ku leh degmada Buuhoodle iyo aaga widhwidh oo ah goobo xarumo u haa meliishaadkan.

Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 300 oo askadhi ayaawaxa wata taliye Maxamed Aden Geele oo (urri) lagu naaneyso.

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan masuuliyiin heer gobol oo kala duwan u magacwdey degmeda Buuhoodle,waxaanay gaadheen guddaha Buuhoodle maalmihii ina dhaafay.

Buuhoodle ayaa aheyd degaan si weyn looga soo horjeeday siyaasada Somaliland waxase intii ka danbeysay heshiiskii laga gaadhay colaadii Meygaagle soo if baxay in xaalada la dejiyay.

Qurbejoog-Buuhoodle
contact@somalidiasporanews.com