Xalay ayaan ka dhegaystay dood ku saabsan diinta Islaamka oo dadku su’aalo weydiinayo saddexda shiikh ee kor ku xusan. Intii aan ku soo gaadhay waxaan ka dareemay in ay ka hadlayaan dhibaatada dhex taal Shabaab iyo DKMG iyo dagaalkoodu dhibaatada uu shacabka ku hayo.
Dhinaca dawladda culumada raacsani dagaalka waxay ku sheegeen in uu yaha fitno, kuwa shabaabta raacsanina waxay ku sheegeen jahaad. Bal marka waa kaas eh ayaa kala saaraya. Ninkii dhahay qaylo ayaa yeedhay ayaa lagu dhahay waar masaajidka in uu cararsiiya, markaas ayaa lagu dhahay masaajidka ayayba ka yeedhay marka bal haddii culumadii sidaas u kala safteed xaggee loo ciirsadaa.
Waxaan odhan karaa anigu culumada daafacaysa shabaab iyo kuwa daafacaya DKMG labaduba waa qaldan yihiin waayo in la daafaco koox waxaa ka horraysa in la garanayo waxa lagu daafacayo. Waxaa meesha wada yaal:
o Shariifka qiyaamay ARS isaga oo cadawgiisii u galay.
o Waxaa halkan yaal oo kale gaalo isu soo bahaysatay in aan Soomaaliya diinta looga dhaqmin.
o Waxaa kale oo meesha yaal Shabaab oo Soomaaliya ka wadda dagaal aan wax caqli iyo cilmi ahi ku fadhiyin.
o Waxaa kale oo jira shacab ku haya dawladeey oo leh dawlo xun ayaa dawlad la’aan dhaanta.
Culumo badan ayaa ka bixisay fadwooyin kala duwan oo isburinaya oo kala raacsan kooxaha meesha isku haya. Sidaas darteed fadwadoodu xaq ma aha, waayo in la fadwoodo waxaa loo baahan yahay in si buuxda culumadu u taqaan waxa ay ka fadwoonayso.
Arrinkaas ayayna culumadu ku kala qaybsan tahay:
Kuwo waxay lee yihiin dagaalku waa Soomaali dilay Soomaali kale dhiigga Islaamkuna waa xaaraan in la daadsho, waxayna meeha ka saarayaan oo aanay marna soo carrab baabayn gaalada xasuuqa aynu og nahay dalka ka geysatay. Ma run baa?
Kuwa kalena waxay lee yihiin dagaalku waa mid u dhexeeya gaaladu diinta in aan lagu dhaqmin ku soo duushay oo iska soo hormariyey kwuo munaafaqiin ah oo gaalada u adeegaya danto xun ee ay waddanka ka lee yihiinna la wada iyo dad mujaahidiin xaq ku dirir ah
Shacabkuna sida culumada ayay ku kala daba fayleen DKMG ah qaarna Shabaabta waxayna ku kala aragti yihiin qolada ay kala raacsan yihiin.
Waxaan isku deyayaa in aan isku shukulo iskuna shaandheeyo fikirka iigu macquulsanna ka soo saaro.
1. Dagaalku ayuu dhexeeyaa ma Soomaali Soomali, mase Soomaali iyo gaalo munaafaqiini ku daaban tahay. Dagaalku waa gaalo iyo Soomaali
2. Shalay maxaa Itoobiya loola dagaalamay markii ay dalka ku soo duushay ee ay qabsatay dadkana xasuuqaysay oo aan maanta loola dagaalayn. Ma Shariifka ayaa lagu dhaafay. Waayo laakiinse? Sabab loola dagaali waayaa ma jirto.
3. Markii midawgii maxaakiimtu nabadda iyo kala dambaynta uu Ilaah gacantooda noogu keenay, yaa ku soo duulay oo burburiyey? Waa la wada ogsoon yahay Maraykan oo Itoobiya soo adeegsaday. Dagaalkii markaas bilawday ayaa weli socda.
Shiikh Takar ayaa dhahay waa la ogol yahay in ay culumadu isku qilaafto oo ninba aayad si u soo daliishado. Maya kuma raacsani waayo khilaafku wuxuu ka dhalanayaa kala duwanaanshaha fahamka arrinta laga fadwoonayo, mid ayaan sax ah aragtiyaha laga qabo ruuxii midda qumman Alle haleeshiiyo ayaa fadwada saxa ah dhiibaya.
Haddii aan ka jawaabo su’aalahaas waxaa ii soo baxaysa in culumadii xalay doodda ka gashay Universal TV ay si bareer ah u qaldan yihiin, si eex xaq darro ahna u taageereen gaaladii oo ay ka dhigeen in aanay dalkaba dagaal gaalo kaga jirin, ayna eedda saareen Shabaabta. Waxaan maqlayey Takar oo leh shabaabtu wada hadal ma ogola, Ilaah baan idinku dhaariyey eh ninkaas shiikha ahi in been sidaas u cad sheego sow ceeb kuma ah sunnada ka muuqata. Shabaabtu ma waxay la hadashaa gaalka iyo munaafaqa isu soo bahaystay in ay diinta Alle lagu dhaqmin. Caqliga saliimka ah ee odhanaya cadaw gaalo ah oo dalkaaga qabsaday oo weliba doonaya in aada diinta ku dhaqmin la hadal ma wax aan ahayn in aan tiisa u yeelo ayay tahay, waayo haddii uu tahayda yeelayo hadal iguma qasbeen ee waa iga tegi lahaa.
Waxaan kale oo idiin sheegayaa in aanay DKMG ahi aanay doonayn in ay shabaabka hadal la gasho, waayo kuwa iyaga xukuma ayaan ogolaayn. Waadna ogaydeen in maalin dhoweyd la isla soo qaaday ee uu baarlamaanka uu buuqa xooggani ka kacay lalama hadli karo shabaabta in la xasuuqo mooyee ay ku juug beeleen.
Waxaan ku soo gunaanadayaa aayaddan:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ قَالُوا إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ(11). أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَكِنْ لَا يَشْعُرُونَ(12). وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ ءَامِنُوا كَمَا ءَامَنَ النَّاسُ قَالُوا أَنُؤْمِنُ كَمَا ءَامَنَ السُّفَهَاءُ أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ السُّفَهَاءُ وَلَكِنْ لَا يَعْلَمُونَ(13). وَإِذَا لَقُوا الَّذِينَ ءَامَنُوا قَالُوا ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوْا إِلَى شَيَاطِينِهِمْ قَالُوا إِنَّا مَعَكُمْ إِنَّمَا نَحْنُ مُسْتَهْزِئُونَ(14). اللَّهُ يَسْتَهْزِئُ بِهِمْ وَيَمُدُّهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ(15). أُولَئِكَ الَّذِينَ اشْتَرَوُا الضَّلَالَةَ بِالْهُدَى فَمَا رَبِحَتْ تِجَارَتُهُمْ وَمَا كَانُوا مُهْتَدِينَ(16).
Haddii ay fikirkooda daacad ka yihiin culumadu shir ha u qabato shacabka Soomaaliyeed looga doodo arrimaha Soomaaliya ka socda runtooda. Laakiin in maalinba shiikh na soo hor fadhiisto oo wax xaqiiqada ka fog uu noo sheego wax natiijo ah oo lagu gaadhayaa ma jirto.
G/le sare Omer Suleiman Ali 07/01/12
