Ticis Mar 18,2012(SDN)-Macalin Maraykan ah ayaa lagu dilay Magaalada Xeebta ah ee Ticis ee dalka Yemen Maanta oo axad ah, halka Dalka Ciraaq-na ay maleeshiyaad hubaysani sii daayeen Qof Maraykan ah oo Muddo Afduub loo haystay.
Macalinka lagu dilay Magaa;lada ticis oo aan ilaa hadda Magaciisa la xusin waxa uu macalin iyo Maamule ku xigeenba ka ahaa dugsi hoos taga Machad dhinaca waxbrashada ah Sweden ku leedahay dalka Yemen.
Saraakiisha ammaanku waxay sheegeen in labo nin oo saaran Dhugdhugley ay rasaas ku fureen Macalinka oo saaran gaadhigiisa ka dibna ay carareen.
Dhacdadani waxay ku soo beegmaysaa maalin ka bacdi markii ay koox hubaysani ay Gobolka Shabwah ku afduubtay haweenay u dhalatay Dalka Swisarland, iyadoo loo malaynayo inay kooxdu xidhiidh la leedahay shabakadda Alqaacida.
Dhanka kalena Maleeshiyo reer Ciraaq ah oo taabacsan Hogaamiyaha Shiicada Muqtada Sadar ayaa sii daayey askari Maraykan ah oo u afduubnaa muddo 9 Bilood ah, waxaana ninkaasi la sii daayey hawshiisa ka shaqeeyey xubno ka tirsan baarlamaanka wadankaasi.
SDN-Ticis
