Hargeysa Mar 20,2012(SDN)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka C.rashiid Axmed Guuleed ayaa Maanta aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo daba-galka mashaariicda iyo Qiimayntooda waxa uu uga furay huteelka Maansoor Xubno ka kala socday Wasaaradaha dawlada.
Waxa uu Aqoon isweydaarsigani socon doonaa mudo afar iyo toban cisho ah waxaana hirgalintiisa si wada jir ah isaga kaashaday Wasaarada Qorshaynta iyo Hay’ada Fao.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka C.rashiid Axmed Guuleed oo madashii furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa tilmaamay faa’iidada ku jirta in la ogaado waxyaabaha la qabtay iyo kuwa aan hirgalin, isagoo sheegay in nidaamkani uu jaangoynayo in wax badan laga fahmo qaabka loo daba galo mashaariicda iyo habka lagu qiimeeyo waxa uu Agaasimaha Guud intaas ku daray in tababarkani uu socon doono mudo afar iyo toban cisho ah isla markaana looga baahan yahay xubnaha ka qayb galay sidii ay wax badan uga baran lahaayeen mudada uu u socdo.
Madaxa FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac Gahayr oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aqoon isweydaarsigani aanu ahayn kii u horeeyay ee ay Wasaarada Qorshaynta Qaranka ka gacan siiyaan waxaanu xusay in wasaaradan ay wada shaqayn buuxda leeyihiin isagoo ka qayb galayaasha ka kala socda laamaha dawladana ka dalbaday inay maskaxdada tuujiyaan si ay u soo baxdo ayuu yidhi fikir wax badan ka tara baahida jirta ee ogaanshaha habka daba galka Mashaariicda.
SDN-Hargeysa
