Uncategorized

Hogaamiyaha sare ee Iiraan oo sheegay in cunaqabateynta saaran looga gaashaaman karo waxsoo saar dheeri ah

Tehran Mar 21,2012(SDN)-Wadaadka Dhinaca Siyaasada iyo Diinta ee sida weyn looga qadariyo Wadanka Iiraan Aayo tulaa Cali Khumayni ayaa Maanta sheegay in cadawga Iiraan uu xoog saaray sidii dhinaca dhaqaalaha looga curyaamin lahaa Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiran

Aayo Tulaa Cali Khumayni oo Maanta Khudbad dheer ka jeediyay munaasibad lagu xusayay Sannadka Cusub ee loo yaqaan Shamsiya oo lagaga dhaqmo dalkaasi ayaa sheegay in Iiraan ay horumar fiican ka gaadhay sidii loo tayayn lahaa macdanta Yuuraaniyamka ah taas oo si fudud looga samayn karo ayuu yidhi daawooyin iyo cilmi baadhis kale .

Khumayni waxa uu intaas ku daray in dadweynaha dalka Iiraan looga baahan yahay inay ilaashadaan Horumarkooda iyo jiritaanka dawlada islaamiga ah ee dalkaas waxaanu cadeeyay inaanay cid ku dhici kartaa Jirin in Iiraan dibada laga soo weeraro taas oo uu ku sifeeyay wax aan Maanta dhici Karin oo lagu hungoobay.

Aaya Tulaa Cali Khumayni waxa uu kula dardaarmay shacbiga wadankiisa inay kordhiyaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ayuu yidhi ka laga soo waarido dalalka shisheeye.

SDN-Tehran

contact@somalidiasporanews.com