Hargeysa April 04,2012(SDN)-Shacabka reer Somaliland ayaa naxdin ku qaabilay qaraxyada soo noqnoqday ee Soomaaliya khaasatay kii maanta dhacay ee lagu laayay Masuuliyiinta ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya.
Dadaka isugu yimaada goobaha lagu khaxweeyo iyo fagaareyaasha doodaha siyaasadeeed ayaa waxa hadal heynta u badani ay aheyd sida xaalada amni ee Soomaaliya ay u saameyn kareyso wada hadalada Somaliland ay sheegtay in ay la yeelaneyso Dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan si kedis ah u shaacisay in ay wadahadal la yeelaneyso Muqdisho.
Waxaana maanta la isweydiinayay magaalooyinka Somaliland in hadalka xukuumadu ahaa mid lagu degdegay.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadii u danbeysay ee Muqdisho waxa ay shaki gelineysaa kalsoonidii lagu qabi karaya xaaladaha isbedelaya ee Muqdisho iyo wadahadal Hargeysa iyo Muqdisho dhexmara.
SDNHargeysa
