Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay MARXUUUM, CABDI AADAN NUUR oo ku geeriyooday Burco 05/04/2012 laguna aasay.
MARXUUMKU, waxa uu Xilal kala Duwan ka soo qabtay Dalka, xilalkaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debeda, sidoo kale waxa uu la soo shaqeeyey Boqortooyadii Ingiriiska, intii aanay Somaliland Xornimadeeda ka qaadan oo uu ka mid ahaa (Civil Servant)-kii Markaa la shaqaynaayey Boqortooyadaasi.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdilaahi Maxamed Daahir
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
