Uncategorized

Xabad Joonjin ka hirgasha Suuriya oo la mudeeyay,iyo reer Galbeedka oo aan qorshahan ku kalsooneyn

 GenevaApril 06,2012(SDN)-Ergeyga Jaamacada Carabta iyo QM Koffi Annan ayaa maanta mudeeyay xiliga laga doonayo xukuumada iyo mucaaridka Suuriya in ay joojiyaan gebi ahaanba colaadaha.

Ergeyga oo maanta saxafada kula hadlay Geneva ayaa sheegay in bishan 12keeda laga doonayo dhinacyada colaada Suuriya in ay xabada joojiyaan.

Kadibna waxa lagu wadaa ergo QM ka socota in ay dalkaa gaadho si loo kala furdaamiyo dhinacya.

Dalalka reer Galbeedka ayaan kalsooni buuran ku qabin in xukuumada Bashar Al Asad ay fuliso qorshahan xabad joojinta.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com