Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Gaas oo ka Tacsiyadeeyay Geeri ku timi Mid ka mida La-talyeyaashiisa

Muqdisho April 08, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali waxuu tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheleadii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Faysal Xaaji Cilmi oo fiidkii Sabtiga 7dii April 2012 ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.

Faysal waxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay falkii fuleynimada ee waxashnimada ahaa ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka 4tii April 2012. Faysal waxuu ahaa La Taliyaha Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee arrimaha isku xirka Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa yiri ” Faysal waxuu ahaa shaqsi karti badan oo si Hagar la’aan ah u gudanayey waajibaadkiisa Qaran. Ra’iisul wasaaruhu waxuu sheegay Faysal iyo caa’iladiisa inay isku meel ku soo koreen oo uu aqoon wanaagsan oo durugsan u lahaa, waxuuna EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo.”

Faysal Xaaji Cilmi waxuu ifka uga tagey xaas iyo 3 carruur ah. Dhaawacii falka ismiidaaminta ka dib waxaa la geeyey Isbitaal Medina oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ku booqdey Jimcihii 6dii April.

Faysal waxaa loo qaaday subixii Sabtigii magaalada Nairobi oo la geeyey Isbitaalka Aga Khan oo uu fiidkii Sabtiga ku geeriyooday. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegey in kooxaha argagaxisada aan laga oggllaan doonin inay hakiyaan dadaalkii Faysal oo la sii labo jibaarayo.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com