Hargeysa, 10, April 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxumed Maxamed (Xoog) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay, beeniyayna waxa uu ugu yeedhay Hadal aan Xaqiiqda ku dhisnayn oo ay Faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ay wax kaga sheegayaan adeega Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa.
Waxa shirkaasi Jara’id ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada,Dhakhaatiir ajaanib ah oo ka hawl-gala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu sheegay in Ujeedada Shirkan Jaraa’id ay la xidhiidho Hadalo maalmahan ku soo baxayay Warbaahinta Maxaliga ah gaar ahan wargeysyada ay ka mid yihiin, Haatuf iyo Saxansaxo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.
Wasiirku waxa uu ka warbixiyay waxqabadkii wasaarada Caafimaadka mudadii Sanadka iyo Badhka ahayd ee u dambeysay,waxa kale oo uu tilmamaay in Dhakhaatiir badan oo Ajaniba ah isla markaana Madashaas ku sugnaa ay wadanka u yimaadeen inay Adeegyo Caafimaad oo u badan Lacag la’aan ka fuliyaan cisbitaalka.
Wasiirka Caafimaadku mar uu ka hadlayay dhinaca talaalka in qaar ka mid ah Saxaafadu ay si khaldan u tabiyeen dhawaan mar uu ka hadlay arrimaha la xidhiidha Xanuunka Booliyada, taasoo keentay in Gudo iyo dibadba lala soo xidhiidho.
Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray inuu Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa taagan yahay halkii ugu fiicnayd tan iyo Xiligii Gumaysigii Ingriiska.
SDN, Hargeisa
