Uncategorized

Xukuumadda Somaliland oo dhaqangelisay korodhsiimo Cashuureed oo ay sanadkan 2012 ku soo rogtay Liisamada

Hargeysa 10, April 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa dhaqangelisay korodhsiimo Cashuureed oo ay sannadkan 2012 ku soo rogtay liisamada Gaadiidka.

Sida ku cad qoraal uu wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale soosaaray oo ku taariikhaysan 09/04/2012, isla markaana tixraacaysa qoraal Madaxweynuhu ku dhaqangeliyay lifaaqa wax-ka-bedelka Tacriifada Liisamada, wasiirku waxa uu dhaqangeliyay wax-ka-bedelkaa Cashuureed ee lagu kordhiyay Tacriifadii hore, wuxuuna qoraalkiisu u dhignaa sidan;

“Ujeedo: Dhaqan gelinta wax Bedelka Tacriifadaha 2012;

Anigoo tixraacaya warqada Madaxweynaha JSL ee tirsigeedu yahay JSL/M/XERM/249-1026/042012 ee 07-04-2012 iyo xeer Madaxweyne No: 0225/0421012 ee 07-04-2012 oo lagu baahiyay dhaqan galka lifaaqa wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada iyo Warqada Golaha Wakiilada ee tirsigeedu yahay GW/G/KF-17/555/2012 ee 04-04-2012 kuna ansixiyeen lifaaqa Wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada.

Sidaas awgeed, waxa madaxda warqadani ku socoto lagu wargalianayaa inay dhaqan galiyaan wax ka bedelka Tacriifada Cashuuraha iyo Liisamada ee halkan ku lifaaqan  laga bilaabo taariiikhda warqadan. Madaxda Ogeysiintanta ku lehna waxaa laga codsanayaa inay gacan buuxda ku siiyaan fulinta sharciga, kaas oo hirgalintiisu wax weyn ka tari doonto ka midha dhalinta Miisaaniyadda 2012.

Wax ka bedelka Tacriifada Sida caadadu tahay waxaa wax ka bedel iyo dub u eegis lagu sameeyay tacriifooyinka Cashuuraha Adeegyada Dawladdu qaado sanadkiiba hal mar.

Sidaas darted, Sanadkan waxaa laysla qaatay in wax ka bedel lagu sameeyo tacriifooyinka Cashuuraha waana sidan soo socota:

Magaca Wasaaradda     Nooca        Cashuurta /Fee-ga  Tacriifadii Hore     Tacriifada Danbe

Hawlaha guud         Fee-ga Iibsiga Buuga gaadhiga     200,000/=    350,000/=
Lambarka Baabuurta                     180,000/=   255,000/=
Cashuurta Lambarada gaadiidka 90,000/=      145,000/=

Sadexda Taayir leh (Bajaaj)         ————   —————
Cashuurta Lambarada Gaadiidka   45,000/=      80,000/=

Laba taayir ley.
Cashuurta Lambarada gaadiidka     ————      100,000/=

Dib loo dhoofiyo

Cashuurta diiwaangelinta                  ————-      75,000/=

Gaadiidka dhaqan baxa ah

Cashuurta sanadlaha                           ————–   gaadiidka

Yaryar=60,000

Baadhitaanka tayada gaadiidka       Dhexe=85,000

Waweyn105,000
Cashuurta Liisamada Ganacsiga                             770,000/=

Xarumaha Iibka iyo furfurka
Qalabka gaadiidka
Kirooyinka Guryaha(bishii)               -A1=250,000    A1=500,000

-A2=200,000/=  A2=300,000

-A3=180,000/=  A3=270,000
——————-    —————-
-B1=80,000/=   B1=120,000

-B2=50,000/=   B2=75,000

-B3=25,000/=   B3=38,000.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com