Hargeysa April 10,20129SDN)- Shirweynihii 1-aad ee Urur Siyaasadeedka Udhis oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa ka furmay huteelka Crown ee Caasimada Hargaysa.
Shirweynahan 1aad ee Ururka Udhis waxaa furitaankiisii ka qaybgalay ergooyinka ka qayb qaadanaya mudada uu socdo ee laamaha Gobolada iyo degmooyinka dalka,,Xubin ka Tirsan Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida,Wakiilada iyo Deegaanka,Madax dhaqameedyo iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Udhis Ibraahin C.laahi “Dhego weyne” Ayaa iftiimiyay Mabaa’diida aasaaska u ah Urur Siyaasadeed waxaanu tafaasiil ka bixiyay himilada Urur Siyaasadeedka Udhis oo ku qotoma sida uu sheegay in dadweynuhu leeyahay go’aanka u danbeeya ee talada dalka,isla markaana ay u hawl galayaan xaqiijinta iyo taabo gelinta Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay meelaha urur ahaan u qorshaysan hadii ay ku soo baxaan doorashada Golayaasha deegaanka inay wax ka qaban doonaan kuwaas oo ay ugu mudan tahay kor u qaadka kaabayaasha nolosha,Siyaasada,dibada,Cadaalada,Dhaqaalaha,Xoolaha,Beeraha,
Wershadaha,Deegaanka, iyo wixii ku taxaluqa.
Waxaa kale oo madashaas lagu doortay xubnaha Shirgudoonka u ah Shirweynahan iyadoo halkaasi ka hadleen Wakiilada Gobolada dalka ee Urur siyaasadeedka Udhis .
SDN-Hargeysa
