Uncategorized

Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Kaluumeysiga Somaliland oo xilkii la wareegay

Hargeysa April 10,2012(SDN)-Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee JSl Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimahii guud ee  hore ee Wasaarada iyo Agaasimaha  guud ee dhowaan loo magacaabay.

munaasabadda oo ka dhacday Hotel Summer-Time waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Salaadiin iyo masuuliyiin kale oo tiro badan. Waxaa ugu horayn munaasabadda ka hadlay agaasimahii hore ee wasaaradda Kaluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo faahfaahiyey Sadexda qaybood wasaaraddaasi  ka kooban tahay  oo kala ah waaxda maamulka, waaxda kaluumaysiga iyo waaxda Qorsheynta,  iyo waxyaabahii u qabsoomay mudadii uu xilkaa hayey.

Mr C.raxmaan cawil waxa uu wasaaradda ku soo dhoweeyey agaasimaha cusub ee la soo Magacaabay Maxamed Ilkacase, Waxaa kale oo uu uga mahadceliyey shaqaalaha wasaaradda hanaankii hufnaa ee ay ula soo shaqeeyeen , waxaa kale oo uu intaas ku daray in wasaaraddani  ay hore ugu jirtay dhisme duug ah laakiin uu hadda socdo dhisme casri ah oo ku habboon shaqada wasaaradda oo ka shaqaysa ,Agaasimihii hore waxa uu sheegay in Wasaaradani ay xafiisyo ku leedahay gobolada gaar ahaan  xeebaleyda ee Somaliland ee Salal, Awdal, Saaxil iyo sanaag.

Agaasimaha guud waxa uu ku dheeraaday waxyaabahii u qabsoomay mudadii uu xafiiska agaasinka guud joogay sida samaynta sharciga guud ee kalluumaysiga ku shaqayso, siyaasadii wasaaradda,  tababaro la siiyey shaqaalaha wasaarada, iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay dhaqaale badan oo u suuro galay inay bil kasta soo xereeyaan.

Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda Kaluumaysiga Maxamed Cilmi Ilkacase oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa uga mahadceliyey agaasimihii guud ee hore Shaqadii uu ka soo qabtay wasaaradan iyo sida uu xilka ugu wareejiyay, waxuuna ballanqaaday inuu halkaas ka sii ambo qaadi doono hawl qabadka ay wasaaradani qaranka uga Mas’uulka tahay.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Cabdilaahi jaamac Cismaan Geeljire ayaa si weyn ugu mahadceliyey agaasimahii guud ee hore ee ay mudada sanadka iyo dheeraadka ah soo wada shaqaynayeen, waxuuna ku tilmaamay inuu ahaa Shakhsi hawlkar ah oo shaqada wasaarada u heellan, isla markaana ay ku dhacdo Culayska shaqo ee  wasaaradda Kalluumaysiga.

Mudane Geeljire waxa uu sidoo kale ku soo dhoweeyey wasaaradda Agaasimaha guud ee cusub Mudane maxamed Cilmi Ilkacase, waxaanu kula dardaarmay in wasaaradani tahay mid balaadhan loogana baahan yahaya agaasimaha guud inuu yeesho firfircoonaan dheeraad ah si ay ugu suuro gasho gudashada hawsha loo igmaday isagoo ilaahay uga beryey inuu ku asturo xilkan cusub.

waxaa kaloo munaasabadaa hadalo ka jeediyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodijeex ahna sii hayaha xilka Gudoomiuaha gobolka Rashiid Axmed maxamed, iyo Saam Cumar Geeddi oo ku hadlayey afka shaqaalaha wasaaradda kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda.

Description: https://mail.google.com/mail/images/cleardot.gif

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com