Juba 12, April 2012 (Qurbejoog.com)- Diyaaraddaha dagaalka ee dalka Sudan, ayaa duqaymo ku garaacay magaalooyin iyo goobo ku yaala gudaha dalka Koonfurta Suudaan, siday sheegeen saraakiisha dalka ugu dambeeyay ee qaaradda Afrika ku soo kordha ee South Sudan.
Siday wakaaladaha wararku faafiyeen, duqaynta ay diyaaraddaha dagaal ee Sudan la dhaceen magaalo-madaxa gobolka Unity oo qani ku ah Saliida, waxay ka dambaysay isku-dhacyo xidhiidh ah oo muddo saddex maalmood ka badan u dhexeeyay ciidamada Sudan iyo kuwa South Sudan.
Diyaaraddaha dawladda Khartoum waxay subaxnimadii hore ee Khamiistii maanta bambooyin ay soo tuureen la dhaceen meel u dhow dhisme Qaramada Midoobay ku leeyahay agagaarka magaalada Beintu, taasoo qiyaastii 60 Km u jirta xadka labada dal ee February 2011 kala go’ay.
Dhinaca kale, siday sheegtay Associated Press, ciidanka dalka Koonfurta Suudaan waxay Arbacaddii shalay qabsadeen magaalada ay Saliidu ceegaagto ee Heglig, taasoo ku taala xuduudka labada dal, balse ay sheegato dawladda Khartoum ee Madaxweyne Cumar al-Bashiir.
Madaxweynaha South Sudan Mr. Salva Kiir oo maanta Baarlamaanka dalkiisa la hadlay, waxa uu sheegay in aanay ciidankiisu dib u laaban doonin. Waxa uu sheegay in milateriga dalkiisa ee SPLA ay dib u qabsan doonaan goobo kale oo ka mid ah kuwa lagu muransan yahay, gaar ahaan gobolka Abyei oo haatan gacanta ugu jira dawladda Sudan, haddii aanay Qaramada Midoobay dawladda Madaxweyne Bashiir ku cadaadin inay ka baxdo. Madaxweyne Kiir waxa uu sheegay in dhigiisa waqooyiga Sudan Mr. Al-Bashiir inuu ku baaqay dagaal uu galo dalkiisu, sidaa darteedna ay dhinacooda go’aansadeen gelitaanka dagaalkaas.
Magaalada Heglig waxay xudun u tahay isku-dhacyo todobaadyo u dhexeeyay labada Sudan, inkastoo xukuumadda Khartoum adeegsato Saliida degaankaas oo qiyaastii ugu yaraan kala-badh ka ah wax-soo-saarka Saliida dalkaas.
Qurbejoog.com, Juba
editor@somalidiasporanews.com
