Hargeisa, 20, April 2012 (SDN)- Guddida Diiwangalinta Ururrada Siyaasadda ayaa saaka ku dhawaaqay tirade Ururrada ka gudubtay marxaladii u dambaysay ee looga baahnaa iyo kuwa ku hadhay marxaladaas.
Guddida Diiwaangelinta oo saaka warbaahinta kula hadlay xafiiskooda ayaa shaaciyay lix Urur SIiyaasaddeed oo ku soo baxay is-reeb reebka marxaladii u dambaysay ee tartanka Ururrada Siyaasadda, halka ay hadheen, isla markaana ay ku guul-darraysteen inay soo baxaan sagaal Urur Siyaasaddeed oo qaarkood lo arkay inay yihiin kuwa ugu waawayn ururrada.
Liiska Ururrada Siyaasadda ee ku guulaystay inay Urur noqdaan waxay kala yihiin:
1-WADANI
2-DALSAN
3-UMMADA
4-NASIYE
5-RAYS
6-XAQSOOR
Ururrada ku guul-darraystayna waxay kala yihiin:
1-JAMHUURIGA
2-DAMAL
3-NUUR
4-UDHIS
5-NDB
6-SSCD
7-BADBAADO
8-GURMAD
9-HORYAAL
Ururradan ay shaaciyeen Guddida Diiwaangelintu inay ku hadheen tartanka Ururrada ayaa u muuqday kuwa ugu cad-cad, isla markaana taageero badan ka haystay shacabka reer Somaliland, sida Ururka UDHIS, BADBAADO, iyadoo la filayo in masuuliyiinta Ururradani ay ka hadlaan sida ay u arkaan hadhitaankooda.