Uncategorized

Guddoomiyihii Gobolka Salal oo xilka laga qaaday iyo sababta xilka-qaadistiisa

Hargeysa, 06, May 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey kaga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Maxamed Muuse Bucul.isla markaana magacaabay mid cusub.

Xilka qaadista Masuulkan ayaa la xidhiidha wufuud reer Jabuuti ah oo dhawaan laga celiyay xadka Somaliland, kuwaasoo uu guddoomiyaha xilka laga qaaday ku eedeeyay Wasiirka Daakhiliga.

Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul.

Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1081/052012 ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Salal.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:              Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay:                    Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:                In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha Gobolka Salal;

 

Markuu La Tashaday:    Madaxda ay hawshani khusayso;

 

Markuu ku Qancay:                   In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XILKA QAADIS

Mudane,

Maxamed Muuse Bucul.

Aniga oo kaga mahad celinayaa mudadii aad Xilka Gudoomiye-nimada ee Gobolka Salal  aad soo waday hawshiisa, waxa aan Go’aansaday laga Bilaabo Taariikhda ku Cad Digreetadan in aan kaa qaado Xilkii Gudoomiyaha Gobolka Salal.

Iyada oo sunaha Dawladnimo ay tahay Dabcigiisa in xilku yahay meerto, sidaa awgeed waxa aan ku farayaa in aad Sida ugu haboon xilkii ugu wareejiso Masuulka Cusub ee aan u igmaday in uu xilkaasi ka sii amba qaado halkaa.”

SDN, Hargeisa