Nairobi May 12,2012(SDN)-Ciidamada Badda ee reer Yurub kana hawlgala baddaha Soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Markab Iran laga leeyahay oo Burcadu u isticmaaleysay in ay ku ugaadhsato maraakiibta kale.
Sidaana waxa saxaafada maanta lagu sheegay qoraal ka soo baxay EU NAVOR oo ah taliska hawlgalada ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida.
HNLMS Markabka dagaal ee layidhaa ayaa hawlgakan ku soo furtay markabka Iran oo isagu kolkiisii horena ahaa mid Kaluumeysi.
“Doonatan kaluumeysi waxa mudo toban maalmooda loo isticmaalayay weerarada Burcad badeedu ku qaado maraakiibta ganacasi”sidaa waxa lagu yidhi qoraalka EU NAVFOR.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa weeraradoodu hoos u dhac weni ku yimi sanadkan,ka dib kolkii kor loo qaaday amniga maraakiibta iyo hawlgalada caalemiga ah ee ka socda badaha Soomaalida.
SDN-Nairobi
