Hargeysa 16, May 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda derajada 1aad ee ciidamada Somaliland, ayaa xukuno dil iyo xabsi-daa’in ah ku riday 22 qof ka mid ahaa dablay shicib ah oo shalay weerar ku qaaday xero ciidanka Milaterigu ku leeyihiin caasimadda Hargeysa.
Xukunkan waxa galabta ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada ee derajada koowaad Mr. Yuusuf Faarax Sharmaarke, waxayna 22-kaa qof ka mid ahaayeen 28 qof oo shalay loo qabtay weerar khasaare dhaliyay oo ay dablay hubaysani ku qaaday xero ay milaterigu joogeen oo la yidhaahdo Madaafiic goobta oo u dhow wershadii Kabista ee bariga caasimadda Hargeysa.
Fadhi ay saacado badan oo maanta ah yeelatay Maxkamadda ciidanku, waxay ku go’aamisay dil toogasho ah oo ay ku xukuntay 17 qof oo dablaydaas ka tirsan, iyadoo 5 kalena xabsi-daa’in ku xukuntay, kuwaasoo ay sheegtay inay qirteen fal-dambiyeedka loo xidhay.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay sheegtay in saddex ka tirsan kooxdaas ay rumaan u dirtay, halka saddex kalena ay sii daysay oo ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.
Weerarka ay soo qaadeen dadkaas oo ku doodaya inay dhulka xeradaas ciidanku ku taalo leeyihiin, waxa uu sababay dhimashada 3 askari, saddex maleeshiyada ka mid ahaa iyo saddex qof oo rayid ah oo goobta ka ag dhawaa.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
