Uncategorized

Xafiisyada Xaqsoor ee Canada oo furaya Bar Internetka ah

Saddexda xafiis ee urur siyaasadeedka Xaqsoor uu ku leeyahay Canada (Xaqsoor Ottawa, Xaqsoor Toronto iyo Xaqsoor Alberta) ayaa go’aansaday inay furaan website-ka xaqsoorcanada.com . Website-ka oo bishan gudaheeda hawlgeli doona, wuxuu ku soo wada baxayaa af Soomaali, Ingiriisi, iyo Faransiis.

Bogga website-ka Xaqsoorcanada.com, wuxuu ka koobnaan doonaa saddex qaybood:

A) QAYBTA BIDIX oo noqon doonta madasha fikirka la isku weydaarsado oo lagu soo qori doona dood iyo maqaallo ka hadlaya dhibaatooyinka haysta Somaliland iyo sidii looga gudbi lahaa. Sidoo kale waxay fursad kuu siin doonta inaad su’aalo waydiiso hogaanka sare ee Xisbiga, jawaabteedana laguu soo daabico.

B) QAYBTA DHEXE oo u kala baxaysa lix xubnood:

1- Leader/Hogaamiyaha

oo lagu qori doono taariikh nololeedka sharafta leh ee MujaahidXasan Ciise Jamaac

, ha noqoto waqtigii halgan xoraynta, doorkiisii dowladdii Cabdiraxmaan (Ilaahay ha u naxariistee) iyo kadib.2- Leadership Team/Hogaanka

oo lagu soo bandhigi doono taariikh nololeedka iyo waxqabadka lagu soo xushay mudane kasta oo xubin ka ah hogaanka sare ee Xaqsoor.3- Program/Barnaamishka

oo lagu soo bandhigi doono barnaamishka xisbiga ee ku aaddan horumarinta dalka, dibuhabaynta dastuurka, iyo xallinta dhibaatooyinka ka jira dalka dhinac kastaba: siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, iyo cadaaladda.4- News/Wararka

oo ka koobnaan doona war-saxaafadeedyada Xisbiga iyo safarada hogaanka sare ee Xaqsoor ku maraan goballada dalka. Sidoo kale waxaad ka heli doontaa wararka abaabulka xafiisyada Xaqsoor ee qurbaha.5- Candidates/Musharaxiinta

oo lagu soo bandhigi doono taariikh nololeedka iyo waxqabadkii hore ee musharaaxiinta golaha degaanka ee degmooyinka dalka. Sidoo kale, xaqsoorcanada.com waxay fursad siin doonta dadweynaha ku hamiyaya inay xisbiga matalaan inay gudbiyaan aragtidooda ku wajahan himilada iyo barnaamishka Xisbiga Xaqsoor.6- Get involved/Wax ku darso

oo fursad ku siin doonta inaad Xaqsoor la soo xidhiidhto ama aad gacan ka gaysato abaabulkiisa. Waxoo kale aad fursad u heli doonta inaad taakulada dhaqaale ee Xisbiga si toos ah uga qayb gasho adigoo isticmaalayaPayPal

oo ku xidhnaan doontaxaqsoorcanada.com.

C) QAYBTA MIDIG oo ah maqal iyo muqaal

Haddaba, waxaan rajayneynaa in laga bilaabo maanta aad noo soo tabisaan wixii war, faallo, ama afkaar ah ee la xidhiidha qaybaha kor ku xusan.

Mahadsanidin.

Maxamed Farax Xareed, Gudoomiyaha Xaqsoor Ottawa