Hargeysa 7, July 2012 (Qurbejoog.com)- Carwada Ganacsi ee Somaliland, ayaa maanta ka furantay magaalada Hargeysa, iyadoo shirkaddo aad u badani ka qaybqaadanayaan.
Carwadan oo ah kii 7aad ee lagu qabto Somaliland, waxa soo qabanqaabiyay shirkadda xayaysiisyada samaysa ee Asal, waxaana furitaankii ka qaybgalay wasiiro tiro badan oo xukuumadda ka tirsan, ganacsato ka kala socota Somaliland iyo dalka Jabuuti iyo dadweyne tiro badan oo danaynayay ka qaybgalkeeda.
Carwadan waxa si rasmi ah xadhiga uga jaray Wasiirka Ganacsiga iyo Wershada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ay weheliyaan wasiirada, Maaliyadda, Kalluumaysiga, Beeraha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Caddaalada, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.
Cali Yuusuf oo ku hadlayay afka qabanqaabiyeyaasha oo ugu horayn hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in carwadan oo ah tii labaad ee ay iyagu soo qabanqaabiyaan ay ka qaybgalayaan shirkaddo tiro badano oo wadani ah iyo kuwo ka yimi dalka Jabuuti.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac oo isna hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu ka xog-waramay ujeedooyinka laga leeyahay Carwadaas, wuxuuna sheegay inay tahay tii todobaad ee dalka lagu qabto.
Sidoo kale, xubno ku hadlayay magacyada qaar ka mid ah shirkaddaha carwaddan gacanta wayn ka geystay, ayaa faahfaahiyay adeegyada ay dadka u qabtaan iyo siday u danaynayaan qabashada carwaddaas.
Wasiirada Kalluumaysiga Cabdullaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Ganacsiga iyo Wershadda Cabdirisaaq Khaliif oo iyana munaasibaddaas ka hadlay, waxay muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin qabashada Carwadaas.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com
