Hargeysa 8, July 2012 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey wasiirada wasaaraddaha Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arimaha Gudaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, halka sidoo kalena uu goluhu ansixiyey guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo ku-xigeenkiisa.
Wasiirada Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, ayaa golaha hortiisa ka akhriyay qorsheyaashooda ku saabsan hay’addaha qaran ee loo magacaabay iyo horumarintooda.
Xildhibaanada Golaha wakiilada ee saaka soo xaadiray fadhiga oo tiradoodu dhamayd 43 mudane, ayaa ansixinta wasiirka wasaaradda Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) waxaa ogolaaday 41 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane, guddoomiyahuna ma codayn.
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, waxaa ansixintiisa ogolaaday 41 Mudane, mana jirto cid diiday waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya, guddoomiyahuna ma codayn
Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaa ansixiyey 41 Mudane, cid diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya, guddoomiyahuna ma codayn.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Mawliid Maxamuud Ibraahin, waxa ogolaaday 42 mudane, cid diidayna ma jirto cid ka aamustayna ma jirin, guddoomiyahuna ma codayn.
Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa Mr. Nuux Sh Muuse Ducaale iyo Maxamed Cumar Cabdilaahi, waxaa ansixintooda ogolaaday 42 mudane, cid diidayna ma jirin, cidina kama aamusin, guddoomiyahuna ma codayn.
Dhinaca kale, gebagebadii fadhiga maanta waxaa mudanayaasha loogu qaybiyey Xeerka saamiga Haweenka iyo dadka La-hayb-sooco laga siinayo doorashada Deegaanka.
Qurbejoog.com, Hargeysa
